Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka National Communications Authority (NCA) ayaa kulan rasmi ah la yeelatay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Caalamiga ah ee International Finance Corporation (IFC), sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay NCA.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada hay’adood, iyo sidii loo sii hormarin lahaa wada shaqeynta ka dhaxaysa NCA iyo IFC ee la xiriirta horumarinta iyo nidaaminta qeybta isgaarsiinta Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin horumarinta xeer-nidaaminta (regulatory framework), taageerada farsamo (technical support), iyo hagaajinta kaabayaasha dijitaalka iyo nidaamka isgaarsiinta dalka.
IFC ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee si dhow ula shaqeeya NCA, isla markaana ka taageera dadaallada lagu casriyeynayo adeegyada isgaarsiinta iyo tayeynta nidaamka sharciyeed ee dalka.
Kulankan ayaa muujinaya iskaashi sii socda oo u dhexeeya labada dhinac, kaas oo lagu doonayo in lagu dhiso adeeg isgaarsiineed oo hufan, tartan leh, isla markaana waafaqsan heerarka caalamiga ah.
