Maareeyaha Guud
Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ)
Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh wuxuu tan iyo 19-kii Noofambar 2022 yahay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya. Ka hor magacaabistiisa, wuxuu ahaa Maareeye Guud Ku-xigeenka Hay’adda iyo xubin ka tirsan Guddiga Maamulka.
Mudane Mustafa wuxuu intii u dhexeysay 2018–2021 soo noqday Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Maamulka Furaha Internet-ka Qaranka (SONIC), oo hoos timaadda Hay’adda, isla markaana maamusha diiwaanka summadda internet-ka Soomaaliya ee .SO. Sidoo kale, intii u dhexeysay 2017–2018, wuxuu La-taliye Sare oo Siyaasadeed ka soo noqday Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.
Mudane Mustafa wuxuu leeyahay in ka badan 15 sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan maamulka iyo hoggaaminta hay'adaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladda. Wuxuu ku takhasusay hab-maamulka internet-ka, falanqaynta xeer-nidaaminta iyo siyaasadaha, iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay (PPP), iyo dhaqaalaha tartanka.
