Hay’adda Nidaamisa Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda Soomaaliya
Hoyga Ku Saabsan Taariikh iyo Sooyaal

Taariikh iyo Sooyaal

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) waa hay'adda nidaamisa qaybta isgaarsiinta ee Soomaaliya. Hay'adda waxaa lagu aasaasay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee 2017, waajibaadkeeduna waa inay xeer-nidaamiso qaybta isgaarsiinta, oo ay ku jiraan isgaarsiinta, internetka, baahinta, Teknoolojiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta (ICT), iyo adeegyada e-Ganacsiga ah (eCommerce).

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxay mas’uul ka tahay fududeynta horumarinta qaybta ICT-da, suuragelinta iyo xaqiijinta tartan caddaalad ah oo waara, isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta, daahfurnaanta hirgelinta Sharciga Isgaarsiinta, ilaalinta danaha iyo xuquuqda macaamiisha, iyo sii wadidda doorkeeda hay’ad nidaamineed oo madax-bannaan.