Wadatashi
Waxaa lagu aasaasay Sharciga Isgaarsiinta ee 2017, si loo xaqiijiyo tartan caddaalad ah, ilaalinta macaamiisha iyo qayb isgaarsiinta oo madax-bannaan.
Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) waa hay'adda nidaamisa qaybta isgaarsiinta ee Soomaaliya, waxaana lagu aasaasay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee 2017.
Hay'addu waxay mas'uul ka tahay fududaynta horumarinta qaybta ICT-da, suurtagelinta tartan caddaalad ah oo waara, xaqiijinta isku-xirka shirkadaha Isgaarsiinta, iyo ilaalinta xuquuqda macaamiisha.
Wax badan kasii Ogow Hay’addaHay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxay bixisaa adeegyo xeer-nidaamineed oo kala duwan si loo hubiyo in qaybta isgaarsiinta Soomaaliya ay si hufan u shaqeyso.
Qoondaynta iyo maareynta hirarka raadiyaha si loo hubiyo in si hufan looga isticmaalo guud ahaan Soomaaliya.
Bixinta iyo maareynta ruqsadaha shirkadaha isgaarsiinta, baahinta iyo ICT-da ee Soomaaliya.
Ilaalinta kaabeyaasha dhijitaalka ah ee Soomaaliya iyo ka jawaabista khataraha saybarka iyada oo loo marayo SOMCIRT.
Hubinta tartan caddaalad ah oo waara oo u dhexeeya shirkadaha isgaarsiinta ee ka hawlgala Soomaaliya.
Ballaarinta helitaanka adeegyada ICT-da ee la awoodi karo, si ay u gaaraan dhammaan bulshooyinka, oo ay ku jiraan meelaha ay adeegyada ku yar yihiin ee Soomaaliya.
Nidaaminta isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta si loo xaqiijiyo adeeg isku-xiran iyo helitaan sahlan oo caddaalad ah oo ka jira guud ahaan Soomaaliya.
Wadatashi
Munaasabad
War