Hay’adda Nidaamisa Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda Soomaaliya
Hoyga Waxa aan Qabanno Helitaanka Adeegyada ee Baahsan

Helitaanka Adeegyada ee Baahsan

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka waxaa ka go'an inay dejiso xeer-nidaamin fududeynaysa Adeegga Isgaarsiineed ee Baahsan, isla markaana xaqiijinaysa in teknoolojiyadaha isgaarsiinta iyo ICT-da si siman looga heli karo. Sida ku cad Qoddobka 61-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, adeegyadaas waa in la gaarsiiyo guud ahaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan dhulka miyiga ah iyo goob kasta oo baahi looga qabo.

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranku waxay sidoo kale mas'uul ka tahay fududeynta iyo ballaarinta adeegyada isgaarsiinta iyo ICT-da, si ay u gaaraan dhammaan bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si gaar ah loo tixgelinaayo dadka nugul. Hay'addu waxay door muhiim ah ka qaadataa xaqiijinta Adeegga Isgaarsiineed ee Baahsan, yareynta farqiga dhijitaalka ah iyo horumarinta fursado loo siman yahay oo qof walba u suurtagelinaya inuu helo adeegyada isgaarsiinta.

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranku waxay diyaarinaysaa xeer-nidaaminnada iyo habraacyada lagu hirgelinayo Adeegga Isgaarsiineed ee Baahsan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si loo helo adeegyo isgaarsiineed oo loo dhan yahay, daboolayana baahiyaha bulshada oo dhan.