Kuala Lumpur, Malaysiya, 6 Oktoobar 2026 — Wafdi ka socda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa ka qeybgalaya shirweyne ku saabsan adeegyada dhijitaalka ah iyo amniga saybarka (CyberDSA 2026), oo ka furmay magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysiya.
Shirweynahan ayaa isu keenay wakiillo ka socda dowladaha, khubaro ku takhasusay amniga saybarka iyo madax ka tirsan qaybta teknoolojiyadda, si ay uga wada hadlaan amniga Garaad Gacmeedka, kalsoonida lagu qabo adeegyada dhijitaalka ah iyo ilaalinta adeegyada aasaasiga ah.
Maalintii ugu horreysay ee shirweynaha, Mudane Mustafa ayaa ka qeybgalay Madasha CyberStage, oo ay martigelisay Hay’adda Amniga Saybarka Malaysiya (CyberSecurity Malaysia), laguna falanqeeyey sidii nidaamyada dhijitaalka ah looga ilaalin lahaa khataraha Garaad Gacmeedka, iyada oo dood-cilmiyeedkaas ay kala qeybqaateen khubaro ku takhasusay amniga saybarka iyo aqoonsiga dhijitaalka ah.
“Shirweynahani wuxuu fursad noo siinayaa inaan khibrado la wadaagno dhiggeenna caalamiga ah, isla markaana sahminno fursadaha iskaashiga ee amniga saybarka. Iyadoo dalkeennu uu ballaarinayo adeegyadiisa dhijitaalka ah, waxaa mudnaan noo leh ilaalinta adeegyadaas iyo xoojinta kalsoonida bulshada,” ayuu yiri maareeyaha Guud.
Maareeyaha ayaa sidoo kale kulamo doceedyo la yeeshay mas’uuliyiinta dhiggiisa ah ee dalka Malaysiya iyo qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha caalamiga ah, si ay khibrado isu weydaarsadaan, una sahmiyaan fursadaha iskaashiga ee amniga saybarka iyo horumarka dhijitaalka ah.
