Hay’adda Nidaamisa Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda Soomaaliya
Hoyga Waxa aan Qabanno Amniga Saybarka

Amniga Saybarka

Waaxda Amiga Saybarka ee Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka waxa ay hormuud u tahay hoggaaminta iyo isku-dabaridka Amniga Saybarka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sida ku cad Sharciga Amniga Saybarka Soomaaliya (2025), Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka waxaa loo aqoonsaday inay tahay hay'adda ugu sarreysa ee dowladda ee mas'uulka ka ah maamulka, hoggaaminta iyo maaraynta guud ee Amniga Saybarka dalka iyo howlaha la xiriira.

Waaxda Amniga Saybarka waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah ee qaranka, xoojinta adkeysiga nidaamyada internetka, iyo taageeridda isticmaalka badqabka leh ee teknoolajiyada iyo isgaarsiinta ee qaybaha kala duwan ee hay'adaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Waajibaadka iyo Mas'uuliyadaha Muhiimka ah:

  1. Dejinta Qaab-dhismeedyada Xeer-nidaamineed ee Amniga Saybarka

    Waaxda Amniga Saybarka waxa ay mas'uul ka tahay dejinta, horumarinta iyo fulinta xeerarka, halbeegyada, iyo habraacyada qaran ee amniga Saybarka, si loo sugo amniga Saybarka Soomaaliya iyo ilaalinta kaabayaasha muhiimka ah ee qaranka.

    Waaxdu waxay hormuud u tahay hirgelinta Sharciga Amniga Saybarka (Cybersecurity Law) iyo dejinta hanaanka amniga Saybarka ee Hay'adaha Dowaladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, sidoo kale qeexida halbeegyada amniga ee kaabeyaasha macluumaadka muhiimka ah (Critical Information Infrastructure).

  2. Ilaalinta Kaabayaasha Macluumaadka Muhiimka ah

    Waaxda Amniga Saybarka waxa ay mas'uul ka tahay aqoonsiga iyo magacaabista Kaabeyaasha Macluumaadka Muhiimka ah (CII) ee laf dhabar u ah amniga qaranka, xasiloonida dhaqaalaha, iyo adeegyada dadweynaha. Tani waxaa ka mid ah isgaarsiinta, adeegyada maaliyadeed, tamarta, biyaha, gaadiidka, iyo nidaamyada dhijitaalka ah ee dowladda.

    Waaxdu waxay dejisaa halbeegyada amniga Saybarka ee hawl-wadeenada kaabeyaasha muhiimka ah, waxayna keydisaa diiwaanka qaran ee kaabeyaasha la magacaabay. Sidoo kale, waxay fulisaa kormeer iyo dabagal waafaqsan sharciga si loo hubiyo hirgelinta tallaabooyinka amniga Saybarka iyo gudadashada waajibaadka warbixinta dhacdooyinka amni saybarka.

  3. Isku-duwidda iyo Hawlgallada SOMCIRT

    Waaxda Amniga Saybarka waxay si joogta ah u kormeertaa ayna hagtaa Xarunta Qaran ee SOMCIRT, oo ka tirsan waaxda Saybarka ee Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), una adeegta inay tahay xarunta dhexe ee dalka u qaabilsan ka-jawaabidda dhacdooyinka saybarka. Xarunta SOMCIRT waxay mas'uul ka tahay ururinta iyo falanqaynta dhacdooyinka amniga saybarka, bixinta digniino iyo wacyigelin, isku-duwidda dadaallada gurmadka ah ee heer qaran iyo iskaashiga ururada CIRT-yada caalamiga ah.

  4. Rukhsad-siinta Bixiyeyaasha Adeegyada Amniga Saybarka iyo Xirfadlayaasha

    Si waafaqsan Sharciga Amniga Saybarka, Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) waxay mas'uul ka tahay bixinta rukhsadaha shirkadaha bixiya adeegyada amniga saybarka, waxayna diiwaangelisaa oo ay shahaado siisaa xirfadlayaasha ka shaqeeya amniga saybarka ee Soomaaliya. Tani waxay xaqiijinaysaa in adeegyada iyo agabyada amniga saybarka ee dalka laga isticmaalo ay waafaqsan yihiin halbeegyada farsamo iyo xirfad ee loo dejiyey.

  5. Wacyigelinta iyo Dhisidda Awoodda Amniga Saybarka

    Waaxda Amniga Saybarka waxay hoggaamisaa ololaha wacyigelinta iyo tababarada qaran ee amniga saybarka si kor loogu qaado garaadka iyo hab-dhaqanka badqabka dhijitaalka ah, loona xoojiyo xirfadaha amniga saybarka ee ka dhexeeya hay'adaha dawladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo guud ahaan bulshada.

  6. Iskaashiga iyo Isku-duwidda Daneeyayaasha

    Waaxda Amniga Saybarka waxay iskaashi iyo wada shaqeyn dhow la leedahay hay'adaha dawladda, shirkadaha gaarka ah, hawl-wadeennada kaabayaasha muhiimka ah, bahda waxbarashada, iyo ururrada caalamiga ah sida OIC-CERT, AfricaCERT, FIRST, ITU, iyo ururrada kale ee amniga saybarka ee heer gobol iyo heer caalami, si loo xoojiyo wada-shaqeynta, fududeynta is-dhaafsiga xogta, iyo kor u qaadidda adkeysiga amniga saybarka dalka.

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan booqo: somcirt.gov.so