Xargaha fiber-Optic-ka ee Badda Hoosteeda mar waa kaabayaal Isgaarsineed oo muhiim u ah horumarka dhaqaalaha dhijitaalka ah, waxayna xambaaraaan internet-ka ugu badan ee Soomaaliya ku xira dunida kale.
Xarumaha soo-dejinta Xargaha Badda Hoosteeda Mara oo adkeysi leh waxa ay kordhiyaan baaxadda internet-ka dalka, hoos u dhigaan qiimaha. Waxay sidoo kale kor u qaadaan adkeysiga shabakadaha internet-ka iyadoo la adeegsanaayo marino kala duwan oo internet-ka ah. Iyadoo la fulinaayo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee 2017, Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), waxay rukhsad siisaa oo kormeertaa xarumaha soo-dejinta Xargaha Badda Hoosteeda Mara, si loo hubiyo helitaan daahfuran (open access), tartan cadaalad ah, u hogaansanaanta Shurudaha Farsamo, iyo ilaalinta kaabayaasha dhaqaalaha qaranka.
Afar hannaan oo cad ayaa loogu talagalay Shirkadaha, Maalgashata, Dawladda, iyo Shacabka.
Habka loo codsado ogolaanshaha soo-dejinta xargaha badda hoosteeda mara, shirkadaha fasaxa u heysta inay soo dajiyaan ama maamulaan, shuruudaha iyo dukumentiyada looga baahan yahay, habraaca dalbashada rukhsadda iyo waqtiyada hannaanka rukhsad siinta.
Fiiri habraacyada →Xarumaha soo-dejinta xargaha badda hoosteeda mara ee rukhsadda heysta ee ku baahsan Soomaaliya, oo ay ku jiraan: Muqdisho, Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo, iyo doorka mid walba ka qaadanayo hagaajinta isku-xirka caalamiga ah iyo baaxadda internet-ka ee heer goboleed.
Fiiri Xarumaha soo-dejinta Xargaha →Halkan ka hel shirkadaha rukhsadda u heysta in ay ka shaqeeyaan xargaha badda hoosteeda mara, kuwa u hoggaansamay shuruucda iyo kuwa aan wali u hoggaansamin shuruucda.
Heerka U hoggaansanaanta →Diiwaanka dadweynaha Shirkadaha haysta rukhsadda iyo oggolaanshaha soo-dejinta iyo ka shaqeynta xargaha badda hoosteeda mara ee isgaarsiinta.
Fiiri Shirkadaha →Dukumentiyada soo socda waxay la xiriiraan qaabdhismeeda xeernidaamineed iyo habraacyada la xiriira rukhsad bixinta, hirgelinta iyo rakibidda Xargaha Badda Hoosteeda Mara ee Soomaaliya.
Jaantuuska hoose wuxu muujinaya heerka u hoggaansanaanta Xeer-nidaamiyaha ee xargaha badda hoosteeda mara. Jaantuskaan si joogto ah ayaa dib loogu eegaa ama loo cusbooneysiiyaa.
| Xarigga | Goobta uu ka soo degay | Milkiilayaasha | Shirkada / Rukhsadlaha | Shirkadda maamusho Xarunta soo-dejinta |
|---|---|---|---|---|
| DARE1 | Mogadishu; Bosaso | Midowga Shirkadaha: Djibouti Telecom, Somtel Int'l, Hormuud, Telkom Kenya (Iskaashiga soo-dejinta oo keliya). Qeybta Soomaaliya ee soo-dejinta: Somtel 50% / Hormuud 40% / Djibouti Telecom 10% | Hormuud; Somtel | SOMTEL |
| PEACE | Mogadishu; Kismayo; Berbera; Bosaso | Khadka xarigga: PEACE Cable Int'l Network Co. Ltd. Qeybaha Soomaaliya: 100% Hormuud |
Hormuud; Golis Somcable (Aan rukhsad haysan) |
Hormuud Telecom Somalia Inc. Somcable (Aan rukhsad haysan) |
| G2A | Berbera; Bosaso | Golis Telecom, Hormuud Telecom, Telesom | Golis; Telesom | Golis, Telesom |
| 2Africa | Berbera; Mogadishu | WIOCC, CMI & Meta |
Dalkom Somalia Somcable (Aan rukhsad haysan) |
Dalkom Somalia Somcable (Aan rukhsad haysan) |
| EASSy | Mogadishu | WIOCC | Dalkom Somalia | Dalkom Somalia |
Fadlan soo degso dukumentiga si aad u aragto.
Halkan kala degShirkadaha hoos ku xusan waxay haystaan rukhsadda iyo oggolaanshaha HIQ, ay ku soo-dejin karaan, ku yeelan karaan, ama ku hawlgelin karaan Kaabayaasha Xargaha Badda Hoosteeda Mara gudaha Soomaaliya.
| # | Nidaamyada Xargaha | Xarumaha soo-dejinta | Xaaladda |
|---|---|---|---|
| 01 | DARE1, PEACE Cable | Mogadishu, Kismayo, Bosaso, Berbera | Shaqaynaya |
| 02 | DARE1 | Mogadishu, Bosaso | Shaqaynaya |
| 03 | G2A (Gulf2Africa), PEACE Cable | Bosaso, Berbera | Shaqaynaya |
| 04 | G2A (Gulf2Africa) | Berbera | Shaqaynaya |
| 05 | 2Africa, EASSy | Mogadishu, Berbera | Shaqaynaya |