Hay’adda Nidaamisa Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda Soomaaliya
Hoyga Waxa aan Qabanno Rukhsad-bixinta iyo U-hoggaansanaanta

Rukhsad-bixinta iyo U-hoggaansanaanta

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka waxay soo bandhigaysaa hirgelinta Hannaanka Mideysan ee Rukhsad Bixinta Suuqa Isgaarsiinta, si waafaqsan waajibaadkeeda sharciyeed ee kormeerka iyo nidaaminta adeegyada isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qaab-dhismeedkan cusub ee rukhsad bixinta waxaa hagaya Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee 2017, kaasoo awood sharciyeed siinaya Hay'adda in ay bixiso rukhsadaha kaabayaasha iyo adeegyada isgaarsiinta gudaha xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Awooddan sharciyeed waxaa si gaar ah loogu qeexay Qoddobka 3(1) iyo Qoddobka 41(1) ee Sharciga Isgaarsiinta, kuwaas oo Hay'adda u xilsaaraya nidaaminta iyo rukhsadaynta hawlaha la xiriira kaabayaasha iyo adeegyada isgaarsiinta. Sidoo kale, Qoddobka 2(2)(a) ee isla sharciga ayaa dhigaya in mid ka mid ah ujeeddooyinka aasaasiga ah ee sharcigu yahay fududeynta, mideynta, iyo horumarinta adeegyada isgaarsiinta, si loo xaqiijiyo nidaam suuq oo hufan, tartan cadaalad ah, iyo helitaanka adeegyo isgaarsiineed oo la isku halayn karo.

Qaab-dhismeedka cusub ee rukhsadayntu wuxuu xaqiijinayaa dabacsanaan iyo hufnaan ku saabsan isticmaalka khayraadka, iyadoo la tixgelinayo horumarka teknoolajiyadda, la fududeynayo soo gelitaanka suuqa, lana abuurayo jawi kor u qaadaya tartan caddaalad ah.

Qaab-dhismeedka Rukhsadaha Mideysan

Qaab-dhismeedka Rukhsad Bixinta waxaa jira laba nooc rukhsad oo kala ah:

  1. Rukhsadda Gaarka ah (Individual License)
    Rukhsaddani waxay u baahan tahay heer sare oo kormeer iyo nidaamin sharciyeed, waxaana la siiyaa qof ama shirkad gaar ah si ay u fuliso hawl gaar ah, waxaana ku jiri kara shuruudo gaar ah oo dheeraad ah; iyo
  2. Rukhsadda Heer Hoose (Class License)
    Rukhsaddani waa qaab nidaamin oo fudud (light-handed regulation) ah oo loogu talagalay kor u qaadidda kobaca iyo horumarinta suuqa, iyadoo la fududeynayo gelitaanka suuqa iyo ka qaybgalka ganacsiyada yaryar ee cusub.
Rukhsadda Noocyada Rukhsadda
Rukhsadda Gaarka ah (Individual)
  • Bixiyeyaasha Kaabayaasha Isgaarsiinta (CIP)
  • Bixiyeyaasha Barnaamijyada iyo Adeegyada Isgaarsiinta (ASP)
  • Bixiyeyaasha Kaabayaasha iyo Adeegyada Isgaarsiinta (CIS)
Rukhsadaha Yaryar (Class)
  • Bixiyeyaasha Qalabka Isgaarsiinta
  • Bixiyeyaasha Adeegyada VSAT
  • Oggolaanshayaasha Hal-mar ah

Shuruudaha Rukhsad-bixinta

Nidaamka rukhsadda wuxuu ka bilaabmaa gudbinta foomka codsiga oo dhammaystiran. Foomamada codsiga waxaa lagu heli karaa qeybta codsiga rukhsadda ee website-ka: www.nca.gov.so/en/license.

Gudaha foomka waxaa ku jira faahfaahinta shuruudaha rukhsadda iyo noocyada rukhsadaha kala duwan ee ay bixiso Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka. Guud ahaan, dhammaan codsadeyaasha Rukhsadaha waa inay buuxiyaan shuruudaha soo socda:

  1. Shirkaddu waa inay soo gudbisaa shahaado diiwaangelin shirkadeed oo aan dhicin, kana soo baxday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
  2. Waa in shirkadda ay xafiis ku leedahay dalka gudahiisa
  3. Waa inay soo gudbisaa caddaynta u-hoggaansanaanta canshuur-bixinta.
  4. Waa inay soo gudbisaa Xogta Shirkadda (Company Profile), oo ay ku jirto qaab-dhismeedka maamulka.

Nidaamka Dalabka Rukhsadda

Shirkadda rabta in ay soo dalbato rukhsaddan waxa ay soo gudbineysaa waxyaabaha soo socda:

  1. Foomka A oo si sax ah loo buuxiyay, oo ay la socoto khidmadda codsiga sida ku cad Lifaaqa 1;
  2. Buuxinta dhammaan shuruudaha Rukhsad dalbashada ee ku xusan (Lifaaqa 2); iyo
  3. Codsaduhu waa inuu wixii macluumaad dheeraad ah ee ay Hay'addu dalbato ku soo gudbiyaa muddada loo cayimay. Haddii uu ku soo gudbin waayo muddadaas, codsiga waa la laalayaa, iyadoo aanay taasi waxba u dhimayn xaqa uu u leeyahay inuu codsi cusub soo gudbiyo.

Codsadaha doonaya inuu cusboonaysiiyo rukhsaddiisa gaarka ah waa inuu HIQ u soo gudbiyaa waxyaabaha soo socda hal sano ka hor dhicitaanka rukhsadda:

  1. Foomka A oo la buuxiyay, oo ay la socoto khidmadda codsiga sida ku cad Lifaaqa 1;
  2. Soo dhammeystirka dhammaan shuruudaha rukhsadda (Lifaaqa 2);
  3. Codsaduhu waa inuu wixii macluumaad dheeraad ah ee ay Hay'addu dalbato ku soo gudbiyaa muddada loo cayimay. Haddii uu ku soo gudbin waayo muddadaas, codsiga waa la laalayaa, iyadoo aanay taasi waxba u dhimayn xaqa uu u leeyahay inuu codsi cusub soo gudbiyo.
  4. Hay'adda waxay kusoo dhammeystiraysaa howlaha rukhsadda muddo Afartan iyo Shan (45) maalmood oo maalmaha shaqada ah, laga bilaabo maalinta la soo dhammeystiro dukumentiyada dalabka rukhsadda. Haddii codsigu buuxiyo dhammaan shuruudaha, HIQ waxay ansixinaysaa dalabka rukhsadda.
  5. Haddii Hay'adda ay diido dalabka rukhsadda, codsadaha waxaa la siin doonaa xog ku saabsan diidmada oo qoraal ah iyo sababaha diidmada.

Shirkadaha raba in ay soo codsadaan rukhsadda yaryar ee adeegyada isgaarsiinta, waxaa la rabaa in ay soo gudbiyaan dukumentiyada soo socda:

  1. Laba nuqul oo Foomka B ah oo si sax ah loo buuxiyay;
  2. Khidmadda dalabka sida ku cad Lifaaqa 1;
  3. Macluumaad dheeraad ah oo ay Hay'adda soo dalbato.

Hay'addu waxay kusoo dhammaystiraysaa cusboonaysiinta rukhsadaha yaryar muddo toddoba (7) maalmood oo maalmaha shaqada ah, codsiyada cusub ee rukhsadaha yaryarna muddo afar iyo toban (14) maalmood oo maalmaha shaqada ah, laga bilaabo maalinta la soo dhammeystiro dukumentiyada dalabka rukhsadda.

Macluumaadka Loo Baahan Yahay Codsiga Rukhsadda

Codsiga Rukhsadda Gaarka ah ee Cusub

  • Baaxadda dhuleed ee adeeggu gaarayo
  • Suuqa la beegsanayo
  • Sharaxaadda Adeegga
  • Nooca teknoolojiyadda
  • Qorshaha farsamo iyo adeeg ee shirkadda
  • Suurtagalnimada Adeegga

Codsiga Cusboonaysiinta Rukhsadda Gaarka ah

  • Cusbooneysiinta Rukhsadda waxaa loo marayaa hannaanka ku cad Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, Qoddobka 46-aad.

U hoggaansanaanta Shuruudaha

  • Rukhsadlaha waa inuu u hoggaansamaa shuruudaha Rukhsadda
  • Haddii Hay'adda Rukhsad bixiso, Rukhsadlaha waa inuu bilaabaa bixinta adeegyada 12 bilood gudahood laga bilaabo taariikhda la bixiyo Rukhsadda.
  • Dhammaan qalabka Isgaarsiinta waa in ay waafaqsan yihiin nidaamka ogolaanshaha qalabka ee Hay'adda (type approval) ka hor inta aan la howlgelin.
  • Shirkadaha Rukhsadda leh waxaa la doonayaa in ay fahmaan kuna dhaqmaan shuruudaha rukhsadda ee laga heli karo qaybta Rukhsadaha ee website-ka.

Nagala soo xiriir

Hadii aad u baahato faahfaahin dheeri ah, fadlan nagala soo xiriir:

Waaxda Rukhsadaha iyo U-hoggaansanaanta

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka

P.O.Box 55, BN 03010

Muqdisho, Soomaaliya

Iimaylka: [email protected]