Madasha Maamulka Internet-ka Soomaaliya (SIGF) waa madal ay ku mideysan yihiin daneeyayaal kala duwan, taas oo ay tabantaabiso Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka si loo fududeeyo wadahadallo furan oo loo dhan yahay oo ku saabsan arrimaha siyaasadaha guud ee internet-ka Soomaaliya.
Iyada oo la jaanqaadaysa qaabka IGF-ka caalamiga ah, SIGF waxay isugu keentaa dawladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, bulshada rayidka ah, bahda waxbarashada, iyo bulshooyinka farsamada, si ay u qaabeeyaan Hab-maamulka internetka ee Soomaaliya.
Booqo Website-ka SIGF