Sharciga Isgaarsiinta Qaranka wuxuu farayaa Hay'ada Isgaarsiinta Qaranka inay sameeyso xeerar iyo habraacyo dhowr ah oo muhiim u ah habsami u socodka howlaha qaybaha isgaarsiinta iyo ICT-da. Mid ka mid ah waxyaabaha lagama maarmaanka u ah horumarinta tartanka iyo habsami u socodka suuqa isgaarsiinta waa hirgelinta adeegga isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta.
Qodobbada 49–53 ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ayaa si gaar ah awood u siinaya HIQ inay dejiso xeer-nidaamiyo iyo habraacyo ku saabsan isku-xirka ka dhexeeya Shirkadaha Bixiya Adeegga Isgaarsiinta ee Rukhsadda Haysta (MNOs) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana tilmaamaya arrimo gaar ah oo ay tahay in HIQ wax ka qabato.
Waaxda Isku-xirku waxay mas'uul ka tahay dejinta xeer-nidaamyada iyo habraacyada la xiriira isku-xirka, iyo hirgelinta hannaanka lagama maarmaanka u ah adeegga isku-xirka dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ee ruqsadda haysta ee Soomaaliya, sida diiwaangelinta heshiisyada isku-xirka iyo xallinta khilaafaadka.
| # | Dukumentiga | Falalka |
|---|---|---|
| 1 | Habraaca Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta | |
| 2 | Habraaca Diiwaangelinta Heshiiska Adeegga Isku-xirka | |
| 3 | Soo-jeedinta Tixraaca ah Isku-xirka (RIO) | |
| 4 | Warbixinta Horumarka Adeegga Isku-xirka | |
| 5 | Sahanka Qiimayaasha Adeegyada Isgaarsiinta 2020–2023 | |
| 6 | Warbixinta Falcelinta Adeegga Isku-xirka |
