Hay’adda Nidaamisa Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda Soomaaliya
Hoyga Waxa aan Qabanno Maareynta Hirarka

Maareynta Hirarka

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) waxay mas'uul ka tahay qorsheynta iyo maareynta hirarka raadiyaha ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale mas'uul ka tahay hubinta u-hoggaansanaanta shuruudaha rukhsadaha iyo baaritaanka cabashooyinka faragelinta adeegyada isgaarsiinta. Baaxadda doorka HIQ waxaa ka mid ah qorsheynta hirarka, qoondaynta hirarka, rukhsadaynta qalabka, asteynta hir-tebineedyada iyo isku-dubbaridkooda.

Hirarka isgaarsiintu waxay u kala baxaan qaybo kala duwan. Doorka HIQ waa inay nidaamiso hirarka raadiyaha, isla markaana qoondayso hir-tebineedyada si teknoolojiyadaha iyo qalabka isticmaala hirarka raadiyaha ay ugu shaqeeyaan faragelin la'aan. Maadaama ay tahay hay'adda nidaamisa oo kormeeraysa helitaanka hirarka, HIQ waxay si taxaddar leh isu dheellitirtaa danaha dadweynaha iyo kuwa ganacsiga marka ay go'aaminayso qoondaynta iyo asteynta hir-tebineedyada.

Si loo gaaro yoolkan, HIQ waxay diyaarisay Shaxda Qoondaynta Hirarka Qaranka. Iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda maareynta hirarka ee ku xusan Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee 2017, HIQ waxay ujeedadeedu tahay inay:

  • Hirarka Isgaarsiinta u maareyso hab daahfuran oo aan takoor lahayn.
  • Kor u qaaddo faa'iidooyinka dhaqaale iyo bulsho ee dhammaan isticmaalayaasha hirarka.
  • Xaqiijiso in la daboolo baahiyaha isgaarsiinta ee badbaadada dadweynaha.
  • Hubiso in ay si wadajir ah u shaqayn karaan dhammaan teknoolojiyadaha isgaarsiinta ee la heli karo.
  • Taageerto oo kor u qaaddo hal-abuurka iyo tartanka.
  • Yarayso caqabadaha xeer-nidaaminta ee hortaagan helitaanka hirarka raadiyaha.
  • U qoondayso hirar ku habboon teknoolojiyadaha cusub ee mustaqbalka.

Codsiga Caadiga ah ee Qalabka Isgaarsiinta Raadiyaha ee Isticmaala Hirarka

Foomka caadiga ah ee codsiga isgaarsiinta raadiyaha waxaa lagu codsan karaa adeegyada soo socda:

Duulista hawada, baahinta maqalka iyo muuqaalka, isgaarsiinta gaadiidka badda, isgaarsiinta taarka ee hiwaayadda, isgaarsiinta saldhigyada iyo qalabka guurguura, isgaarsiinta hal-jiho ah, adeegsiga hirarka ujeeddooyin tijaabo iyo imtixaan ahaan, adeegsiga hirarka bandhig ahaan, adeegga paging-ka, adeegga isdhaafsiga farriimaha qoraalka ah, qalabka celceliya hirarka isgaarsiinta ee gaarka loo leeyahay iyo kuwa la wadaago, adeegga gudbinta xogta laga soo cabbiro meel fog, isku-xirayaasha hal bar ilaa bar kale iyo hal bar ilaa dhowr barood (kuwa ka hooseeya ama ka sarreeya 1 GHz), adeegga la socodka digniinaha, adeegga maaraynta culayska korontada ee meel fog laga xakameeyo (load management), isgaarsiinta raadiyaha kooxaysan (radio trunking), iyo adeegyada dayax-gacmeedka, sida VSAT iyo SNG.

  • Codsaduhu waa inuu si buuxda u buuxiyaa foomka codsiga rukhsadda hirarka raadiyaha, kaddibna u soo gudbiyaa Hay'adda. Codsiga waa in lagu lifaaqaa caddaynta bixinta khidmadda codsiga ee khuseysa, taas oo aan dib loo soo celin karin.
  • Codsaduhu waa inuu haystaa ruqsad adeeg oo ay bixisay wasaaradda ama hay'adda ay khusayso.
  • Nuqul ka mid ah shahaadada diiwaangelinta shirkadda.
  • Caddeyn muujinaysa hirarka uu codsaduhu hadda isticmaalo.