Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) waxay dhistay Xarunta Kormeerka Hirarka (Spectrum Monitoring Center), taasoo ah xarunta dhexe ee laga hago lagana maamulo shabakadda isku-dhafan ee xarumaha kormeerka hirarka ee joogtada ah iyo kuwa guurguura ee Soomaaliya.
Xaruntani waxay ku qalabaysan tahay barnaamijyo iyo agab gaar ah oo si buuxda ugu xiran server-rada saldhigyada kormeerka, si looga maamulo dhammaan hawlgallada saldhigyadaas.
Xaruntu waxay awood u leedahay:
Xarunta Kormeerka Raadiyaha waa mid ka mid ah hababka lagu baaro hawlaha korantada-magnetiga ah (electromagnetic) ee ka dhaca gudaha xuduudaha hirarka raadiyaha ee dalka, sidaas darteedna waa qayb lagama maarmaan ah oo ka mid ah Maareynta Hirarka. Waxay ka mid tahay hababka lagu kormeero laguna xakameeyo isticmaalayaasha hirarka, sidoo kalena waxay door muhiim ah ka qaadataa qorshaynta qoondaynta soo noqnoqoshada hirarka.
Sidaas darteed, kormeerka wax-ku-oolka ah ee hirarka raadiyuhu wuxuu yareeyaa carqaladaha waxyeellada leh ee ay sababaan isticmaalayaasha hirarka, wuxuuna xoojiyaa badbaadada nafta iyo hantida, isla markaana kor u qaadaa dakhliga Dowladda.
Hay'addu waxay qabataa hawlo kala duwan oo la xiriira kormeerka hirarka, kuwaas oo ay ka mid yihiin: