Muqdisho – April 4, 2021

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa maanta si rasmi ah ugu guddoonsiisay shirkadda diyaaradaha Halla Airlines Rukhsadda Isticmaalka Hirarka Raadiyaha (Radio Frequency License), taas oo muhiim u ah hawlaha isgaarsiinta iyo nidaamka duulimaadyada shirkadda.

Rukhsaddan ayaa ah mid ka mid ah shuruudaha muhiimka ah ee lagu maamulo isticmaalka hirarka isgaarsiinta ee duulimaadyada rayidka, iyadoo gacan ka geysanaysa hubinta badbaadada, isku xirnaanta, iyo habsami u socodka hawlaha duulimaadka.

Sida ay sheegtay Hay’addu, rukhsaddan ayaa sidoo kale fududeyn doonta in Halla Airlines ay si hufan u hesho adeegyada isgaarsiinta ee lagama maarmaanka u ah duulimaadyadeeda, isla markaana ay u hoggaansanto habraacyada iyo xeerarka ay dejisay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA).

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo nidaamka sharciyeynta isgaarsiinta dalka, iyo sidoo kale kor u qaadista adeegyada duulista rayidka ee Soomaaliya.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageeridda hay’adaha iyo shirkadaha isticmaala adeegyada isgaarsiinta, si loo xaqiijiyo isticmaal ammaan ah oo hufan oo ku saabsan hirarka dalka.