Wafdi ka socda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ka qeybgalaya Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-23) oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka. Madashan oo ka dhacaysa magaalada Sharma El-Sheekh ee dalka Masar ayaa waxaa isugu yimid madaxda hay’adaha isgaarsiinta adduunka, iyagoo isku dhaafsanaya waayo-aragnimadooda la xiriirta horumarradii ugu dambeeyay ee nidaaminta qeybaha Isgaarsiinta iyo teknolojiyadda.
Maalintii ugu horreysay ee Shirweynaha ayaa Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, waxa uu ka qeybgalay dood-cilmiyeed loogu talagalay madaxda hay’adaha isgaarsiinta adduunka, halkaas oo uu kaga hadlay istaraatiijiyadaha qaranka iyo hababka lagu kobcin karo iskaashi dhexmara qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada dhijitaalka. Wuxuu Maareeyuhu ka warbixiyey muhiimadda ay leedahay in la yeesho siyaasad iyo xeer-nidaamin kor u qaadaysa hal-abuurka, tartanka suuqa iyo ilaalinta macaamiisha.
Maareeyuhu wuxuu xusay in wax-wadaqabsiga dowladda iyo ganacsatada (PPPs) iyo iskudubaridka Hay’adaha dowladda in ay yihiin labo tusaale oo muhiim u ah wada-shaqeyn dhexmarta qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada dhigitaalka ah.
“Iskaashi dhexmara dowladda iyo ganacsatada waxa uu suuragalinayaa in la wadaago khibrad iyo aqoon suurtogelisa in la hirgeliyo adeegyo dhigitaal ah oo faa’iido u leh bulshada. Sidoo kale waxaa iyadana laga maarmaan ah in la helo hab isku dhafan oo u dhaxeeya hay’adaha kala duwan ee dowladda si loo hubiyo iswaafaqsanaanta siyaasadaha iyo xeer-nidaamiyeyaasha, islamarkaana si hufan loo wada hirgeliyo ” ayuu yiri maareeyaha.
Inta uu socdo shirkan, maareeyuhu wuxa uu kulamo doceedyo la yeelan doonaa mas’uuliyiin kala duwan oo qeyb ka ah wufuudda ka qeybgalaysa shirka.
