CYBERJAYA, MALAYSIA —7 May 2025 — Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya ayaa laba Heshiis Is-Afgarad (MOU) la saxiixatay Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia (MCMC) iyo Hay’adda Amniga Internetka ee Malaysia (CyberSecurity Malaysia).
Heshiisyadan ayaa xoojinaaya iskaashi dhinacyo badan leh oo ku saabsan maamulka dhijitaalka, wadashaqeynta farsamo iyo kobcinta amniga internetka.
Heshiiska ugu horreeya ee lala saxiixday MCMC ayaa diiradda saaraya iskaashiga dhinacyqda: Xeernidaamiyeyaasha iyo qaab-dhismeedka farsamada ee 5G, isweydaarsiga siyaasadaha maamulka isgaarsiinta, iyo barnaamijyo tababarro gaaban iyo khibrad is-dhaafsi lagu xoojinayo awoodda hay’adaha.
Heshiiska labaad ee lala saxiixday Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia (CyberSecurity Malaysia) wuxuu ku saabsan yaha ka-hortagga iyo ka-jawaabista weerarrada internetka, isdhaafsiga xogta khatarta ah iyo isbeddellada amniga Teknoolojiyadda, iskaashi ku saabsan diblomaasiyadda internetka, iyo in Dalkeena uu qeyb ka noqdo barnaamijka caalamiga ah ee tababarrada ee Global ACE.
Guddoomiyaha Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia, YBhg. Tan Sri Maxamed Salim bin Faatix Din, ayaa muujiyey muhiimadda uu leeyahay iskaashiga caalamiga ah ee dhanka horumarinta xeernidaamiyeyaasha, isagoo ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay madal lagu dardargelin karo isweydaarsiga aqoonta iyo iskaashiga farsamo.
Dhanka kale, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, ayaa sheegay in heshiiskan uu ku soo beegmay xilli muhiim ah, isla markaana uu kaalin weyn ka ciyaari doono kobcinta xirfadaha howlwadeennada Hay’adda iyo dardargelinta isbeddelka dhijitaalka ee dalka.
Sidoo kale, intii ay socotay munaasabadda saxiixa heshiiska la galay Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia, Madaxa Fulinta ee hay’adda, Dato’ Ts. Dr. Haji Amirudiin Bin Cabdul Wahab, ayaa ku tilmaamay iskaashigan fursad muhiim u ah in la xoojiyo adkeysiga wadajirka ah ee ka dhanka ah khataraha cusub ee internet ka.
Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa uga mahadceliyay doorkooda aqooneed iyo diyaar garowgooda wadashaqeyn, isagoo xusay in iskaashiga noocan ahi uu udub dhexaad u yahay dhisidda awoodda amniga internetka ee Soomaaliya.
Heshiisyada waxaa u kala saxiixday Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, iyo YBhg. Tan Sri Maxamed Saalim bin Faatix Diin, Guddoomiyaha Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia. Halka Dato’ Ts. Dr. Xaaji Amiirudiin Bin Cabdul Wahaab, Madaxa Fulinta ee Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia, uu saxiixay heshiiska dhinaca amniga internetka.
Iskaashiyadan cusub waxay ka tarjumayaan sida ay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka uga go’an tahay in la xoojiyo horumarka teknoolojiyadda dalka, iyada oo kaashaneysa iskaashi caalami ah iyo hirgelinta hab-raacyada heerarka ugu sarreeya ee caalamka.
