(Dubai, 20ka Nofembar, 2023) Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolojiyada Soomaaliya, Mudane Jaamac Khaliif, oo ay wehliyaan Maareeyaha Guud ee Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, iyo ku-xigeenka Mudane Axmed Cali Salaad iyo la-taliyeyaal ayaa ka qeyb-galaya Shirka Isgaarsiinta Raaadiyaha Adduunka (WRC-23) oo maanta ka furmay magaalada Dubai.
Shirkan oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) waxa uu dalalka adduunka siinayaa madal ay ku kulmaan, kaga wada hadlaan, kuna falanqeeyaan isticmaalka hirarka raadiyaha iyo wareegyada dayax-gacmeedka.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa, isaga oo ka hadlaya muhiimadda ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkan, waxa uu yiri, “Ka qeybgalkeenna shirkan wuxuu fursad inoo siinayaa inaan ku muujino ra'yigeena, isku-dhaafsanno aqoon iyo khibrad, isla markaana gacan ka geysanno qaabeynta mustaqbalka maaraynta hirarka ee heer caalami." Maareeyuhu wuxuu intaasi ku daray in kooxda ka socota HIQ ay soo diyaariyeen hindisayaal taabanaya arrimaha hirarka ee Soomaaliya.
Dhinaca kale Wasiir Jaamac Khaliif ayaa tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay ka-qeybgalka Shirka Isgaarsiinta Raadiyaha Adduunka, waxaanu yiri “ka qeyb-galkeenna waxa uu ka tarjumayaa sida ay nooga go’an tahay in aan hubinno isticmaalka habboon ee hirarka Raadiyaha, kaas oo muhiim u ah horumarka iyo horusocodka qarankeenna. Waxaan rajeyneynaa inaan iskaashi la sameyno dalalka kale iyo khubarada qeybta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda si wax looga qabto caqabadaha iyo fursadaha ka jira arrimahan.”
Wafdigan muddada uu socdo shirka ayaa ka qeyb qaadan doonaan doodaha ku saabsan sida hufan ee looga faa’ideysanayo isticmaalka hirarka.
