(Juba, Koonfurta Suudaan - Juunyo 14, 2025) Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ka qeybgaleysa Shirweynaha 30aad ee Ururka Isgaarsiinta Bariga Afrika (EACO), oo ka socda caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Juba.
Shirweynahan, oo ay martigelisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Koonfurta Suudaan, ayaa si rasmi ah u furmay 9-kii Juunyo 2025, waxaana la soo gabagabeeyay shalay oo Jimce ahayd, 13-kii Juunyo 2025.
Shirka waxaa isugu yimid wakiillo ka kala socda shanta qeybood ee xubnaha ka ah EACO, sida hay’adaha nidaamiya isgaarsiinta, hay’adaha boostada, shirkadaha isgaarsiinta, iyo shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka ee Bariga Afrika.
Shirweynaha sanadkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama ay dhawaan ku biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC). Kaqeybgalka HIQ Soomaaliya wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay in ay la jaanqaaddo siyaasadaha iyo xeernidaamiyeyaasha isgaarsiineed ee gobolka si loo dardaregliyo iskuxirnaanta iyo kobaca tiknoolajiyadda isgaarsiinta ee gobolka.
“Shirarka noocan oo kale ah muhiim ayay u yihiin HIQ, maadaama aan nahay tan ugu da’da yar hay’adaha maareeya isgaarsiinta gobolka, isla markaana aan fahamsannahay in isgaarsiintu aysan xuduud laheyn sababo badan awgood oo ay ka mid yihiin in adeegyada isgaarsiinta dalkeenu ay u gudbaan dalalka gobolka (roaming), la wadaago barnaamijyo teknolojiyadeed oo gobolka ka shaqeeya, iyo khataraha amniga internet-ka oo aan ku ekeyn hal dal oo kaliya,” ayuu yiri Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, Maareeyaha Guud ee HIQ.