Muqdisho, Noofember 13, 2023 –Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah. Daahfurka qorshaha waxaa ku lamaannaa aqoon is-weydaarsi socday muddo 2 maalmood ah oo looga hadlayay isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah, waxaana arrintan lagu tilmaamay inay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta awoodaha wax-ka-qabashada musiibooyinka.
Daahfurka qorshaha oo ay ka soo qaybgaleen hay’ado muhiim ah oo ay ka mid yihiin Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA), Shirkadaha Isgaarsiinta, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Hoggaannada Isgaarsiinta ee Xoogga Dalka iyo Booliska, Hay’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed iyo Ururrada Bulshada Rayidka, ayaa muujinaya dadaallo iskaashi oo lagu dhisayo nidaam isgaarsiineed oo midaysan oo waxtar u leh xilliga xaaladaha degdegga ah.
Mustafa Almahdi oo ka socday xafiiska qaabilsan dalalka Carabta ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) ayaa faahfaahin ka bixiyay kaalinta ay isgaarsiintu ka cayaari karto maareynta musiibooyinka, maadaama isgaarsiintu fure u tahay la-tacaalista musbiibooyinka iyo sidii waxqabad mideysan looga geysan lahaa.
Sidoo kale Maxamuud Macalin Cabdulle, Maareeyaha Guud ee SODMA ayaa ka hadlay sida uu muhiimka ugu yahay Qorshahan dhammaan dhinacyada ay khuseyso. Marka la eego u nuglaanshaha Soomaaliya ee musiibooyinku, waxa uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sameeyo digniino mideysan oo la xiriira xaaladaha degdegga ah.
Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), ayaa tilmaamay muhiimadda uu qorshahani u leeyahay isu-keenida dhinacyada kala duwan ee ay khusayso. Mudane Mustafa wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay saamaynta baaxadda leh ee ay isgaarsiintu ku leedahay kaabayaasha guud ee wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, isagoo intaasi ku daray in HIQ ay si firfircoon uga qaybgelisay dhammaan daneeyayaasha intii lagu jiray diyaarinta qorshahan.
Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Md. Jaamac Xasan Khaliif iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Md. Axmed Diiriye, oo iyaguna ka hadlay qiimaha uu qorshahan ugu fadhiyo dalkeena oo haatan la daalaa-dhacaya saameynta daadadka El-nino, iyagoo ugu dambeyntii u mahadceliyay khubaradii ka tirsan Wasaaradda iyo Hay’adda Isgaarsiinta ee ka soo shaqeeyay qorshahan iyo kaalmada farsamo ee ITU.
