Maareeyaha Guud ee Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka, mudane Mustafa Yaasin Sheikh, ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Madasha Horumarinta Isgaarsiinta ee Dalalka Carabta (#RDFARB) oo ka dhacay magaalada Cammaan, Urdun.
Shirweynahan wuxuu qeyb ka yahay diyaar garowga Shirweynaha Horumarinta Isgaarsiinta Adduunka (#ITUWTDC-25).
Shirkan waxaa ka soo baxay talooyin iyo qorshayaal lagu horumarinayo qaybta isgaarsiinta ee dalalka Carabta, iyada oo la tixgelinayo baahiyaha gaarka ah ee gobolka.