Muqdisho, 16 Febraayo 2026 — Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay kulan wadatashi hal maalin ah si dib-u-eegis iyo talooyin looga helo qabyo-qoraalka Xeer-Nidaamiyaha Ilaalinta Macaamiisha Isgaarsiinta.
Kulanka waxaa ka soo qaybgalay shirkadaha isgaarsiinta, bixiyeyaasha adeegga internet-ka (ISPs), shirkadaha ka shaqeeya xargaha badda hoos mara, wakiillo ka socda macaamiisha, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah si ay u falanqeeyaan qaab-dhismeedka qabyo-qoraalka una bixiyaan talooyin ku saabsan hirgelintiisa wax-ku-oolka ah.
Wadatashigu wuxuu iftiimiyay ujeeddada siyaasadeed, mabaadi’da hagta xeer-nidaamiyaha, iyo qodobada muhiimka ah ee ku jira qabyo-qoraalka.
Maareeyaha Guud ee Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, oo ka hadlay furitaanka kulkan, ayaa tilmaamay baahida loo qabo xoojinta kalsoonida macaamiisha maadaama suuqa dhijitaalka ee Soomaaliya uu sii ballaaranayo.
"Jawi isgaarsiineed oo caddaalad ah, hufan, oo isla xisaabtan leh ayaa lagama maarmaan u ah dhisidda kalsoonida dadweynaha iyo taageeridda isbeddelka dhijitaalka ah ee dalka. Ilaalinta xuquuqda macaamiishu waa masuuliyad wadajir ah oo ka dhexaysa Hay’adda iyo bixiyeyaasha adeegga.”
Qabyo-qoraalka xeer-nidaamiyuhu wuxuu dejinayaa ilaalin cad oo ku saabsan xuquuqda macaamiisha iyo heerarka tayada adeegga, wuxuu xoojinayaa hufnaanta qiimeynta iyo shuruudaha qandaraaska, wuxuu qeexayaa waajibaadka hawl-wadeennada iyo shuruudaha u hoggaansanaanta, wuxuuna dhigayaa tallaabooyin fulineed iyo ganaaxyo lagu xaqiijinayo isla-xisaabtanka guud ahaan qeybta Isgaarsiinta.
Daneeyayaashu waxay soo jeediyeen aragtiyo la xiriira arrimaha hirgelinta, jadwalka waqtiga, iyo diyaar-garowga u hoggaansanaanta. Sidoo kale, waxaa dib-u-eegis lagu sameeyay natiijooyinka Sahanka Ilaalinta Macaamiisha iyo qorshaha lagu dhammeystirayo laguna dhaqan-gelinayo xeer-nidaamiyaha.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxay tixgelin doontaa dhammaan talooyinka la soo jeediyay ka hor inta aan la soo saarin nuqulka kama dambaysta ah ee Xeer-Nidaamiyaha Ilaalinta Macaamiisha Isgaarsiinta. Hay’adda waxaa ka go’an horumarinta suuq isgaarsiineed oo tartan leh, ammaan ah, isla markaana si buuxda u ilaaliya danaha macaamiisha guud ahaan dalkeenna.