Muqdisho, 15 Diseembar 2025 — Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliyeed (NCA) iyo Jaamacadda SIMAD University, iyagoo kaashanaya CyberSecurity Malaysia, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray barnaamijka Global Accredited Cybersecurity Education (ACE) Certification – Somalia Country Chapter, taas oo calaamad u ah horumar weyn oo lagu xoojinayo awoodda qaranka ee amniga internetka (cybersecurity) iyadoo loo marayo heerar caalami ah iyo shahaadooyin xirfadeed oo si rasmi ah loo aqoonsan yahay.
Munaasabadda daahfurka oo lagu qabtay xarunta SIMAD Town Campus ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA), Jaamacadda SIMAD, iyo CyberSecurity Malaysia si rasmi ah loogu soo bandhigo nidaamka Global ACE gudaha Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay furitaanka munaasabadda, Agaasimaha Guud ee CyberSecurity Malaysia, Dato’ Ts. Dr. Haji Amirudin Abdul Wahab, ayaa sheegay in dhismaha Somalia Country Chapter uu muujinayo iskaashi caalami ah oo dhinaca waxbarashada amniga internetka ah. Wuxuu xusay in nidaamka Global ACE uu taageero dowladaha iyo hay’adaha waxbarashada si loo dhiso xirfadlayaal amniga internetka ku takhasusay oo leh aqoon, anshax wanaagsan, isla markaana diyaar u ah suuqa shaqada, iyadoo la waafajinayo heerarka caalamiga ah iyo is-aqoonsiga xirfadaha ee dalalka kala duwan.
Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Dr. Cabdikarim Mohaadiin, ayaa carrabka ku adkeeyay doorka jaamacadda ee martigelinta iyo taageeridda Somalia Country Chapter, isagoo yiri:
“Jaamacadda SIMAD sharaf ayay u tahay inay martigeliso Global ACE Somalia Country Chapter. Hindisahan wuxuu taageerayaa himiladeenna ah bixinta waxbarasho tayo sare leh oo caalami ahaan la aqoonsan yahay, iyo in dhalinyarada iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed lagu qalabeeyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah ilaalinta iyo horumarinta mustaqbalka dijitaalka ah ee dalka.”
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA), Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa xaqiijiyay sida ay hay’addu uga go’an tahay dhismaha nidaam qaran oo adag oo amniga internetka ah, isagoo yiri:
“Daahfurka Global ACE Somalia Country Chapter waa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo maamulka iyo awoodda xirfadlayaasha amniga internetka ee Soomaaliya. Iskaashigan wuxuu taageerayaa horumarinta shaqaale xirfad leh oo buuxiya heerarka caalamiga ah kana qayb qaata amniga, kalsoonida, iyo kobaca dhaqaalaha dijitaalka ah ee dalka.”
Nidaamka Global Accredited Cybersecurity Education (ACE) waa hannaan shahaadooyin caalami ah oo aan ku xirnayn shirkad gaar ah (vendor-neutral), laguna sameeyay iskaashi dhexmaray dowlado, warshado, iyo hay’ado waxbarasho, isla markaana waafaqsan heerarka caalamiga ah. Iyadoo Jaamacadda SIMAD ay tahay hay’adda martigelineysa, Somalia Country Chapter waxay taageeri doontaa barnaamijyada shahaadooyinka, tababarrada, iyo dhisidda awoodda ardayda, xirfadlayaasha, iyo dadka ka shaqeeya amniga internetka.
