Riyadh, 3 Sebteembar 2025 — Wafdi ka socda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, ayaa ka qeyb galay Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-25), taas oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) laguna qabtay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga.
Madashan oo socotay saddex maalmood ayaa isu keentay madaxda hay’adaha isgaarsiinta ee caalamka, iyagoo is dhaafsaday waayo-aragnimo iyo habraacyadii ugu dambeeyay ee la xiriira nidaaminta isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda.
Intii uu socday madasha, Mudane Mustafa waxa uu ka qeyb galay dood cilmiyeed heer sare ah oo ay la wadaageen wakiillo ka socday dalalka Sacuudiga, Turkiga, Maraykanka, iyo Koonfur Afrika, taas oo looga hadlayay sidii loo dhisi lahaa mustaqbal dhijitaal oo waara. Dooddu waxay diiradda saartay sida xeerarka iyo nidaamintu u xoojin karaan adkaysiga cimilada iyo hubinta in bulshooyinka si siman u helaan adeegyada dhijitaalka ah.
Hadalkiisa, Mudane Mustafa waxa uu ku muujiyay saddex mudnaan oo waaweyn: in la helo xog lagu kalsoonaan karo oo danta guud ah iyadoo la ilaalinayo asturnaanta; in shabakadaha ay sii shaqeeyaan marka ay jiraan xaalado degdeg ah; iyo in la dhimo kharashaadka si bulshada oo dhan uga faa’iideysato adeegyada dhijitaalka ah. Waxa uu tusaale u soo qaatay sida xogta taleefannada gacanta ee qarsoodiga ah (anonymised mobile data) loogu adeegsaday in lagu taageero gurmadka daadadka Soomaaliya.
Sidoo kale, Mudane Mustafa waxa uu ku booriyay in hormarka waara ee teknoolajiyada lagu daro shuruudaha rukhsadaha, gaar ahaan adeegsiga tamarta la cusboonaysiin karo, helidda kayd koronto goobaha muhiimka ah, iyo diyaarinta nidaamyo awood u leh gudbinta digniinnada qaran.
“Mudnaanta Soomaaliya waa in laga guuro tijaabooyin loona gudbo waxqabad dhab ah — xog lagu kalsoonaan karo la adeegsado, hormarka waara ee teknoolajiyada lagu dhex daro xeerarka, lana cabbiro waxa run ahaantii muhiimka ah,” ayuu yiri Mudane Mustafa.
Ka qeybgalka HIQ ee Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-25) waxa uu muujinayaa codka sii kordhaya ee Soomaaliya ku leedahay doodaha caalamiga ah ee nidaaminta, iyo sida ay uga go’an tahay dhismaha mustaqbal dhijitaal oo adkeysi leh oo waara.
