Muqdisho, Nofember 20, 2024 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa martigiliyay Madashii Labaad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo muddo labo maalmood ah ka socotay magaalada Muqdisho. Madashan ayaa soo geba-gabowday iyadoo si weyn loogu bogaadiyay talooyinka qiimaha badan ee ay bixiyeen ka qeybgalayaasha iyo mowduucyada muhiimka ah ee laga hadlay.
Madashan oo sanadkii mar la qabto ayaa sanadkan diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaxalgalka ah ee Dowladda, shacabka, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si looga hortago dambiyada internet-ka islamarkaana loo xaqiijiyo amniga dhijitaalka ah ee dalka.
Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo si rasmi ah u soo xiray madasha, ayaa u mahadceliyay dhammaan ka qeybgalayaasha madasha, isagoo bogaadiyay doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen doodaha iyo talooyinka laga bixiyay Madasha Amniga Internet-ka Soomaaliya.
“Waxaan si qoto dheer u qadarinayaa talooyinka qiimaha badan ee aad soo jeediseen. Waxay ahaayeen kuwo dhammaantood loo baahnaa si loo horumariyo nidaamyada amniga dhijitaalka ah ee Soomaaliya. In kasta oo mowduuca la falanqeeyo uu muhiim yahay, doodaha joogtada ah iyo iskaashiga ay abuuraan ayaa ah mid aad u sii muhiim ah,” ayuu yiri Maareeyaha.
Madashan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo iyo xalal cusub oo lagu horumarinayo amniga internet-ka. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali), oo furitaankii madasha ka hadlay, ayaa tilmaamay guulihii laga gaaray madashii hore iyo muhiimada shuruucda cusub ee amniga internet-ka ee dhowaan la horgeeyay Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka.
Madasha ayaa lagu tilmaamay tallaabo weyn oo Soomaaliya u qaaday dhanka kobcinta siyaasadaha iyo nidaamyada lagu xaqiijinayo amniga dhijitaalka ah, iyada oo la filayo in talooyinka iyo doodaha ka soo baxay madasha ay dhidibbada u taagaan qorshayaal waara oo lagu horumarinayo Amniga Internet-ka Soomaaliya.