Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada, ayaa ka qeybgalay xafladda daahfurka Adeegga 5G ee Shirkadda Hormuud, taas oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Daahfurkan ayaa ku soo aadday, iyadoo dhowaan Hay’adda Isgaarsiinta Qaranku ay soo gabagabeysay Qorshaha iyo Istaraatiijiyadda Qaran oo lagu hagayo adeegsiga 5G, kaasi oo soo billowday billowgii sanadkii 2023.
Qorshaha iyo Istaraatiijiyadda ayaa looga gol lahaa in lagu asteeyo shirkad walba mowjadaha 5G ee ay isticmaali doonto si looga fogaado is-dhexgal khalkhal gelin kara adeegyada, isla markaana la waafajiyo nidaamyada caalaamiga ah ee uu go’aamiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU), si loo ilaaliyo danaha macaamiisha iyo shirkadaha isgaarsiinta oo adeeggan maalgashi ballaaran ku sameynaya intaba.
Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay xafladda, ayaa ammaanay kaalinta shirkadda Hormuud ay kaga jirto isgaarsiinta dalka, isagoo intaasi ku daray in horumarka laga gaaray nidaaminta isgaarsiinta dalka ay ku timid wadashaqeynta wanaagsan ee ka dhexeysa Hay’adda Isgaarsiinta iyo shirkadaha isgaarsiinta oo ay ka mid tahay shirkadda Hormuud.
Maareeyaha ayaa ugu dambeyntii ku bogaadiyay juhdiga iyo maalgelinta ay Shirkadda Hormuud gelisay sidii adeeggan dalka loo keeni lahaa, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo in adeeggan uu wax weyn ku soo kordhin doono adeegyada la xiriira isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka.
