Dalkom Soomaaliya ayaa si rasmi ah u heshay rukhsadda International Communications Infrastructure Provider License (CIP) oo ay bixisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA). Rukhsaddan ayaa u oggolaaneysa shirkadda inay bixiso isla markaana maamusho kaabayaasha isgaarsiinta caalamiga ah ee dalka.
Helitaanka rukhsaddan waxay muujineysaa doorka muhiimka ah ee Dalkom Soomaaliya kaga jirto horumarinta adeegyada isgaarsiinta iyo ballaarinta isku xirka caalamiga ah. Shirkaddu waxay sii xoojin doontaa adeegyada internet-ka, fiber optic-ga, iyo xalalka casriga ah ee dhanka isgaarsiinta.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ayaa weli waddo dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha ICT-ga dalka, si loo dhiirrigeliyo maalgashiga, hal-abuurka, iyo adeegyo isgaarsiineed oo tayo leh oo gaara dhammaan bulshada Soomaaliyeed.
