Muqdisho, Nofember 15, 2023 – Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, ayaa maanta si rasmi ah u dhagaxdhigay dhismaha Xarunta Xogta Qaranka (National Data Center) oo ay leedahay dowladda Soomaaliyeed.
Dhismaha Xaruntan waxay xoojineysaa adeegyada teknolojiyadeed ee ay bixiyaan hay’adaha dowladda, waxaana loogu talogalay inay martigeliso xogaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan hay’adaha dowladda ee bixiya adeegyada la xiriira teknolojiyadda.
Xaruntan ayaa marka la dhammeystiro dhismaheeda iyo qalabeynteedaba, waxay meel isugu keeni doontaa xarumaha xogta ee ay leeyihiin qaar ka mid ah hay’adaha dowladeed, iyadoo fursad u siin doonta inay qalabkooda keensan karaan xaruntan maadaama xaruntan ay ku taallo goob istaraatiiji ah oo marin u ah xargaha internetka ee dalka yimaada.
Marka la hirgeliyo xaruntan waxay meel isugu keeni doontaa xogaha qaranka, taasoo fududeyn doonto adeegyada dowladda ee ay u fidiso shacabka (government to citizens), adeegyada dowladdu ay u fidiso ganacsatada (government to business) iyo adeegyada ka dhexeeya hay'adaha dowladeed (government to government).
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasiin, oo munaasabadda ka hadlayay ayaa sharraxay kaalinta muhiimka ah ee xarumaha xogtu ku leeyihiin buuxinta baahida bulshada, isagoo si gaar ah u xusay in adeegyada teknolojiyadeed ee dalka ay haatan si xawli u kordhayaan. "Xaruntan casriga ah waxay xoojin doontaa oo aasaas u noqoneysaa adeegyada teknolojiyadeed ee dalka, iyadoo buuxin doonta baahida sii kordheysa ee martigelinta iyo habaynta xogta dhijitaalka ah," ayuu yiri.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif, oo dhagaxdhigay xarunta, ayaa xusay inay guul tahay in la soo gaaray dhagaxdhigga xaruntan. Wasiirku wuxuu xusay in xogta dalka oo lagu hayo dalka gudahiisa ay tahay guul weyn oo la gaaray, maadaama markii hore xogaha dalka lagu keydin jiray dalka dibeddiisa oo kaliya.
Ugu dambeyntii, wasiirku wuxuu ugu baaqay dhammaan hay'adaha dowladeed ee haya xog dhijitaal ah inay ka faa'iideystaan xaruntan oo dhismaheeda iyo qalabkeeduba noqon doonaan heerarka ugu sarreeyay xarumaha xogta.