Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ku casuumeysa qeybaha kala duwan ee bulshada in ay ra’yigooda ka soo bixiyaan qabyo-qoraalka Qorshaha Istaraatiijiga ah ee 2023-2027, kaas oo noqonaya qorshihii istiraatijiyadeed ee ugu horeeyay ee rasmi ah oo ay soo bandhigeyso HIQ.
HIQ oo ah tan nidaamisa suuqa isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, waxay qorshahan uga gol leedahay sidii loo abuuri lahaa suuq ku dhisan nidaam iyo sharci oo uu dalku yeesho. Iyada oo laga duulayo hiigsiga iyo aragtidaas, ayaa Qorshahan wuxuu ku qotomaa siddeed (8) ujeeddooyin istiraatiiji ah, kuwaas oo kala ah: 1) Helidda adeeg isgaarsiined oo la awoodi karo, oo gaara dhammaan dalka; 2) In la helo suuq furan oo xor ah oo tartan caafimaad lehi ka jiro; 3) Horumarka waara ee isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda; 4) Falanqeynta suuqa Isgaarsiinta; 5) Xaqiijinta suuq-nidaamin habboon; 6) Haggaajinta wadatashiga iyo xiriirka daneeyeyaasha; 7) Kor-u-qaadidda iskaashiga iyo wax wada-shaqeynta; iyo 8) Maareynta tartanka suuqa.
Dhowaan HIQ waxay noqotay hay’addii dowladeed ee ugu horreysay Soomaaliya ee hesha Shahaadada ISO 9001:2015 ee maamul-wanaagga. Guushan ayaa muujineysa sida ay HIQ uga go’an tahay in ay dardargeliso howlaheeda, iyadoo sidoo kalena muujineysa sida ay uga go’an tahay in adeegyadeedu ay noqdaan kuwo ku dhisan tayo sare.
Mudane Mustafe Yaasiin, Maareeyaha Guud ee HIQ, ayaa yiri “Iyada oo uu na hagayo qorshaheenna cusub, waxaan la shaqeyn doonnaa hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo daneeyeyaasha kaleba si aan u xaqiijinno gaaritaanka yoolasha istiraatiijiga ee ku xusan Qorshahan.”
HIQ ayaa ra’yi-gelinta qabyo-qoraalka Qorshahan uga dan leh in danneeyeyaasha kala duwan ee adeegyada isgaarsiinta iyo teknolojiyada ku biiriyaan talooyinkooda si loo waafajiyo baahiyada iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, la dhiirri-geliyo daahfurnaanta, iyo in dadka oo dhan laga qeybgeliyo qorshaha lagu hormarinayo isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalkeenna.
Haddaba, HIQ waxa ay ku dhiirri-gelineysaa shakhsiyaadka iyo hay’adaha daneynaya in ay talooyinkooda ka soo dhiibtaan qabyo-qoraalka qorshahan. Faallooyinka iyo talasoojeedinta waxaa lagu diri karaa iimeylka [email protected] ugu dambeyn 20 Luulyo, 2023. Hay’addu waxa ay si taxaddar leh u eegi doontaa dhammaan faallooyinka ay hesho ka hor inta aysan dhameystirin qorshaha istaraatiijiga ah ee 2023-2027. Qorshaha marka la ansixiyo waxaa uu noqon doonaa mid laga heli karo mareegta HIQ bisha Agoosto, 2023.
Fadlan, Gujji halkan si aad ula soo degto Warbixin kooban oo ku saabsan Qorshaha Istaraatiijiyadda ee HIQ.