Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (Central Bank of Somalia) ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ku saabsan Nidaaminta Adeegyada Maaliyadeed ee Digtalka ah, oo ay ku jiraan adeegyada lacagaha moobilada la isugu diro. Iskaashigan wuxuu abuuri doonaa sidii loo heli lahaa adeegyo ammaan ah oo dhinaca maaliyadda digitalka ah.