Maareeyaha, La taliyeyaasha iyo Agaasimayaasha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Caalamiga ah ee International Finance Corporation (IFC).
HIQ iyo IFC ayaa waxa ay ka wada hadleen dardar-galinta howlaha labada dhinac iyo xoojinta wada shaqeynta.
Hay’adda IFC ayaa waxa ay kamid tahay hay’adaha caalamiga ah ee kala shaqeeya HIQ dhinaca farsamada iyo abaabulka qeybaha isgaarsiinta dalka.