WARGELIN -Rukhsadda/Shattiga Hirarka Isgaarsiinta (Spectrum License Notice)
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranku (HIQ) waa hay’adda masuulka ka ah hagidda iyo fulinta sharciga Isgaarsiinta Qaranka iyo soo saaridda xeer-nidaamiyeyaasha iyo habraacyada isgaarsiineed ee Soomaaliya. Awoodda sharci ee hay’addu ku dhisantahay waa sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee 005/2017, isla awooddaas sharci ayayna ku maamushaa adeeg bixiyayaasha isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda.
Hay’addu waxay hirgelinaysaa bixinta rukhsadda/shattiga adeegsiga hirarka Shirkadaha Isgaarsiinta. Shirkadaha Isgaarsiinta waxaa la farayaa in ay soo dalbadaan Hirarka ay u baahanyihiin in ay isticmaalaan (Spectrum Bands for GSM/CDMA/LTE/LTE-A, etc.)
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranku waxay dhamaystirtay dhamaan xeer-nidaamiyeyaasha Hirarka Isagaarsiinta oo ay ka mid yihiin Xeerka Hirarka , Qiimaha Hirarka , Qorshaha Hirarka Shabakadaha Isgaadhsiinta.
Arjiyadda lagu soo dalbanayo khidmadaha Hirarka waxaad ka heli kartaa – Gujji Halkan
Habraaca bixinta khidmadda Hirarka waxaad ka heli kartaa – Gujji Halkan
Hay’adda Isgaarsiintu waxay faraysaa dhammaan adeeg bixiyeyaasha in ay soo dalbadaan rukhsadda Hirarka ugu dambayn 01 November 2022.