Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) waxaa lagu dhisay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka ee 2017, iyadoo mas’uul ka ah fududeynta iyo horumarinta tiknoolojiyadda isgaarsiinta, taasoo awood u siineysay in ay nidaamiso suuqa isgaarsiinta dalka, iyadoo abuuraysa jawi ku habboon maalgashi, daahfurnaanta iyo ilaalinta danaha macaamiisha.

Sidaa daraadeed, HIQ waxay diyaarisay Hannaanka Mideysan ee Rukhsadaha Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda dalka (Unified Licensing Framework), kaas oo ku saleysan Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, una fududeynaya shirkadaha nidaamka ay ku qaadan karaan Rukhsaddii ay ku shaqeyn lahaayeen.

Dhammaan shirdakaha bixiya adeegyada hoos ku xusan waxay u baahan yihiin rukhsad ay uga shaqeeyaan dalka gudihiisa si waafaqsan Sharciga Isgaarsiinta Qaranka:

  • Shirkadaha bixiya adeegyada Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda (Application and Services)
  • Shirkadaha kaabayaasha Isgaarsiinta (Infrastructure),
  • Shirkadaha Adeegga Internet ka (ISP),
  • Shirkadaha keena qalabka Isgaarsiinta (Terminal Equipment)
  • Shirkadaha bixiya summadda Internet ka Soomaalia ee DotSo,
  • Shirkadaha bixiya adeegyada VSAT

Rukhsadaha noocyada ay kala yihiin iyo qaabka loo qaadanaayo waxaa laga heli karaa halkan: https://nca.gov.so/licenses . Nidaamka Mideysan ee Rukhsadaha waxaa laga heli karaa link gan: https://nca.gov.so/Unified-Licensing-Framework.pdf.

 

Haddaba, waxaa la ogeysiinayaa dhammaan adeeg-bixiyayaasha Tiknoolojiyadda Isgaarsiinta ee soo dalbadaan rukhsad ay dalka ugu shaqeeyaan, ugu dambeyn 31 Agoosto, 2021.

 

 

Halkan ka degso Wargelinta Rasmiga ah