Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) waa hay’adda masuulka ka ah fududeynta iyo horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda dalka waxaana lagu dhisay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee 005/2017 kaasoo awood u siinaya in ay nidaamiso suuqa isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda dalka iyadoo abuuraysa jawi ku habboon maalgashi, daahfurnaan iyo ilaalinta danaha macaamiisha.
Sidaa daraadeed, HIQ waxay ogeysiineysaa shirkadaha bixiya adeegyada Internet-ka (Internet Service Provider -ISP) in ay rukhsad ku qaataan muddo 10 maalmood gudahood ah.
Waqtiga kama dambeysta ee rukhsad qaadashada waa 24-ka Febraayo, 2023.
Fadlan kala soo xiriir waaxda rukhsada: licensing@nca.gov.so
Wada shaqeyn wacan.