News Categories: News

09 Mar
By: admin 2 1

Astaanta Qaranka Ee Internetka Soomaaliya Oo Lagu Soo Wareejiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

(Maarso 9, 2018) Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internetka Soomaaliya (dotSO) oo ay maamuli jirtay hay’ad ka madax banaan Dowladda, balse wixii hadda ka dambeeya lagu soo wareejiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo masuul ka ah maamulka Astaanta qaranka sida uu qorayo qodobka 54aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka

Qeybta hore ee wareejinta ayaa ahayd heshiis 7dii Maarso 2018 dhex maray Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadda Cloud Registry oo adeegyo farsamo siisa astaanta qaranka, halka qeybta dambe ee xil-wareejinta ay sameeyeen maamulkii hore ee SONIC oo haatan si buuxda ay ula wareegtay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Agaasimihii hore ee SONIC, Mudane C/casiis Xuseen Cumar, oo xilkaas iska casilay, mas’uuliyaddana ku wareejiyey Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu muddo adeeggan u soo hayay dalka, ugu dambeyntiina uu mas’uuliyaddaas ku soo celiyo Dawladda.

Maareeyaha cusub ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay in sharciga isgaarsiintu uu qorayo in furaha taleefoonka (252) iyo astaanta internetka (dotSO) ay yihiin hanti qaran oo ay qasab tahay in ay ku soo noqdaan gacanta dawladda, waxayna tallaabo billow ah u tahay in hantidii qaranka dib loogu soo celiyo gacanta dawladda, isaga oo sidoo kale ugu mahadceliyey Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda waqtiga badan ee uu geliyey sidii ay u suurtogeli lahayd wareejintan.

Waxaa munaasabadda xil-wareejinta iyo wada-hadalladii saxiixa heshiiska qeyb iyo goobjoogba ka ahaa Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, wasiirka xannaanada xoolaha, Mudane Sheekh Nuur Maxamed, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, iyo wakiil ka socday Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, oo heshiiska u kala qaabilsanaa hubinta sharciga iyo xisaabaadka, waxayna gebogebo u ahayd hannaan soo socday muddo 10 bilood ah oo uu billaabay wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada 15-kii Abriil, 2017, laba toddobaad ka dib markii uu xilka la wareegay.

“Maanta waa maalin kale oo guul u ah Wasaaradda, xukuumadda, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Inkastoo aan anigu hoggaaminta lahaa, haddana guusha laga gaaray arintan waxaa ka qeyb qaatay dad badan oo aan u mahadcelinayo gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha oo kalsooni iyo taageeraba nagu siiyay arrintaan illaa maalintii aan u istaagnay, waxa ayna ka mid ahayd arrimaha mudnaanta u leh Wasaaradda, oo aan ka shaqo billawnay 2 toddobaad kadib markii aan xilka la wareegnay” ayuu yiri Mudane Eng. Cabdi Cashuur oo sidoo kale u mahadceliyay wasiirka Xannaanada Xoolaha, Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo hawshan gacan weyn ka geystay iyo sidoo kale shaqaalihii iyo Maamulkii SONIC oo uu ugu horreeyay Mudane C/casiis oo si xilkasnimo leh u soo wareejiyay hantidan qaran.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa hormuud ka ahaa ansixinta sharciga isgaarsiinta oo muddo 12 sano ah qabyo ahaa. Sidoo kale wuxuu waqti badan geliyey in astaanta qaranka (dotSO) lagu soo wareejiyo gacanta dawladda, arrintaas oo iyaduna muddo sanooyin ah soo jiitameysay oo aan wax guul ah laga gaarin wixii ka horreeyay 8da Maarso 2018.

Waxaa dhowaan Muqdisho lagu qaban doonaa munaasabad lagu soo bandhigi doono sida adeeggan ay uga faa’iideysan doonaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo qorshe cusub ee lagu horumarinayo oo muddo laga soo shaqeynayay.

Read More
24 Feb
By: admin 0 2

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha Isgaarsiinta

(Muqdisho, 24 Febraayo 2018) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa maanta shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayay sida ugu habboon ee loo hirgelin karo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo la ansixiyay sanadkii hore.
Waxaa shirka lagu soo bandhigay qorshaha dhismaha Hay’adda oo ay ku hawlan yihiin khubaro Soomaali ah, oo farsama ahaan kala talin doona Hay’adda hannaanka dhismaha koowaad.
Maamulaha Machadka Heritage, Mudane C/rashiid Khaliif, oo hay’addiisu oo ay shaqo-wadaag yihiin shirkadda caalamiga ah ee Kalba, ay Wasaaradda kala talineyso dhismaha Hay’adda ayaa sheegay in isgaarsiinta Soomaaliya ay maanta haysato fursad qaali ah, sida madax dhinaca Wasaaradda iyo dhinaca Hay’adda oo aqoon iyo karti leh, aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka shaqeynaya dhismaha iyo bahda isgaarsiinta oo u heellan inay la shaqeeyaan.
Maareeyaha cusub ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Wasiirrada, iyo gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda, Md. Eng Cabdi Cashuur iyo ku-xigeennadiisa kalsoonida ballaaran iyo xilka culus ee ay ku aamineen, wuxuuna ballan qaaday in uu si ammaano leh uga soo bixi doono masuuliyaddaas loo xil saaray.
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa u sheegay ka qeybgalayaasha Shirka in Wasaaradda ay dhaqan u tahay inay mar kastaba la tashato bahda isgaarsiinta sidii loo nidaamin iyo horumarin lahaa isgaarsiinta Soomaaliya si wanaagsanna loogu daryeeli lahaa danta macaamiisha iyo dalkaba.
Sidoo kale wasiirku wuxuu warbixin ka bixiyay waxyaabaha ay Wasaaraddu ka qabatay ansixinta sharciga, isagoo xusay in hawlaha hadda yaalla ee la xiriira dhismaha Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka inaysan ka culeys yaraan doonin hawshii lagu guuleystay ee ansixinta sharciga.
Ugu dambeyntii wasiirka ayaa soo dhoweeyay Mudane Cabdi Sheekh Axmed, oo dhowaan uu Golaha Wasiirradu ansixiyay inuu noqdo maareeyihii ugu horreeyay ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, isagoo uga mahad celiyay madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada kalsoonida ay ku aamineen maareeyaha cusub, wuxuuna ballan qaaday in Wasaaraddu la shaqeyn doonto maamulka cusub ee loo soo dhisi doona Hay’adda.

Read More
19 Feb
By: admin 6 2

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

(Muqdisho, 19 Febraayo 2018) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo loo magacaabay Mudane Cabdi Sheekh Axmed, oo ah khabiir dhinaca isgaarsiinta iyo teknoolojiyada ah.

Tallaabadan ayaa aasaas u ah dhismaha Guddiga Sare ee Hay’adda Isgaarsiinta oo lagu hawlanaa tan iyo markii uu madaxweynaha dalka uu saxiixay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka 2dii Oktoobar 2017, isla markaana ay ku soo baxday faafinta rasmiga ah 20-kii bishii Nofeembar eeisla sanadkaas.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan oo soo dhoweeyay ansixintan ayaa uga mahad celiyay Golaha Wasiirrada ansixinta Maareeyaha Hay’addani oo noqoneysa tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee uu dalku yeesho.

“Farxad ayay noo tahay inaan dhismaha hay’addan ku soo gabagabeyno 90-kii cisho ee uu sharciga na siinayay oo ka billaabaneysay saxiixa madaxweynaha iyo faafinta rasmiga. Waxa ugu muhiimsan ee uu sharcigu dhigayay waxay ahayd dhismaha Hay’addan oo qaban doonta dhammaan hawlaha la xiriira nidaaminta isgaarsiinta dalka,” ayuu yiri wasiir Cashuur.

“Ballan baan ku qaadnay in ansixinta sharciga aysan noo ahayn hadaf haddii aysan la socon fulintiisa. Maantana waa tallaabo kale oo taariikhi ah oo loo qaaday hirgelinta sharcigan oo muhiim u ah dalka,” ayuu yiri wasiirku.

Taariikhda Maareeyaha Cusub
Mudane Cabdi Sheekh waa khabiir aqoon iyo waayo-aragnimo dheer u leh arrimaha la xiriira isgaarsiinta, teknoolojiyada iyo maamulka. Wuxuu muddo ka badan 23 sano la shaqeynayay mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ugu waaweyn dalka Mareykanka oo la yiraahdo Verizon Communications, halkaasoo oo uu ka soo qabtay xilalka kala duwan oo heer maamul sare ah.

Laga soo billaabo Nofeember 2012-kii – kolkaasoo uu dalka ku soo laabtay – wuxuu la-taliye sare ka ahaa Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha, isagoo la soo shaqeeyay ra’iisul wasaareyaal kala duwan. Intuu uu xafiiska Ra’iisul wasaaraha ka shaqeynayay laga soo billaabo 2013-kii wuxuu dareemay baahida loo qabo in la aasaaso waax qaabilsan dhisidda awoodda hay’adaha dawladda (capacity development), taas oo uu Ra’iisul wasaare Saacid ku magacaabay wareegto. Si arrintaas loo fuliyo wuxuu kala shaqeeyay Bankiga Adduunka iyo UNDP sidii loo sameyn lahaa mashruuc ballaaran oo lagu horumarinayo awoodda hay’adaha dawladda (Capacity Injection Program), kaas oo haatan hirgalay, ayna ku kacayso $53 milyan oo doolar.

Laga soo billaabo bishii Abriil 2017, wuxuu ka shaqeynayay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, isagoo gacan weyn ka geystay ansixintii Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, dhismaha awoodda Wasaaradda iyo xiriirka ay Wasaaraddu la leedahay dalalka iyo hay’adaha horumarinta ka shaqeeya oo ay ka mid tahay Hay’adda Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), wuxuuna ka shaqeeyay in xiriirkii Wasaaradda ee heer caalami uu sare u kaco.

Dhinaca aqoonta, Mudane Cabdi Sheekh wuxuu shahaadada koowaad ku qaatay cilmiga kumbutarka ee jaamacadda Houston, isagoo shahaadada heerka labaad ee Master of Science (specialization in Information Systems) iyo Maamulka Hawlaha (MBA) uu ka kala qaatay ee jaamacadaha Denver iyo North Carolina oo dhammaantood ku yaalla dalka Mareykanka.

Read More