News Categories: Events

19 Oct
By: admin 0 0

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Oo Soo Bandhigtay Qaabka Guud ee Rukhsadaha Isgaarsiinta & Teknoloojiyada Dalka.

(Muqdisho – 19ka Oktoobar, 2019) Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa maanta soo bandhigtay Qaabka Guud ee Bixinta Rukhsadaha Isgaarsiinta Dalka (Unified Licensing Framework – ULF), kaas oo lagu nidaaminayo rukhsadaha isgaarsiinta dalka, iyadoo shirkaas ay ka soo qeyb galeen shirkadaha isgaarsiinta, teknolojiyada, warbaahinta, iyo wasaaradaha dawladda ee ay khuseyso.

Nidaamkan cusub ee ULF ayaa u oggolaanaya shirkadaha isgaarsiinta in ay bixin karaan adeegyo kala duwan iyagoo isticmaalaya rukhsad aan ku xirneyn teknolojiyad si loo dhiirri-geliyo hal-abuurka, dadweynahana loogu fududeeyo inay shirkadaha ku kala xulan karaan hadba teknolojiyada ay xiiseynayaan. Ka sokow noocyada loo kala qeybiyay, hannaanka cusub wuxuu shirkadaha ku waajibinayaa shuruudaha looga baahan yahay marka ay adeegga bixinayaan si loo ilaaliyo xuquuqda macaamiisha iyo tan dawladda.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, oo ka hadlayay furitaanka kulankan wada-tashiga ah ayaa sheegay in nidaamkan la soo diyaarinayay 12kii bilood oo la soo dhaafay, iyadoo feker iyo waayo-aragnimo laga soo qaatay dalal badan oo ku yaalla Afrika iyo Aasiya. “Maadaama aan wax cusub sameyneyno, waxaan ka billaabeynaa meesha uu adduunka maanta marayo, sidaasi darteed nidaamkan waa mid tixgelinaya duruufaha dalka, isla markaana la jaan-qaadaya heerka uu marayo adduunka,” ayuu yiri Maareeyuhu.

Ka-soo-qeybgalayaasha ayaa aad u soo dhoweeyay nidaamkan cusub, iyagoo sheegay in maadaama aysan jirin nidaam cad oo dhinaca rukhsadaha ah inay abuurtay fowdo dhinaca suuqa oo caqabad ku noqotay in maalgelin dheeri ah lagu sameeyo.

Dalkeenu ma lahayn nidaam rasmi ah oo rukhsadaha isgaarsiinta iyo mowjadaha lagu bixiyo tan iyo 1991-kii markii ay shaqada joojiyeen shirkaddii isgaarsiinta, idaacaddii iyo telefishinkii ay dawladdu maamuleysay, kuwaasoo aysan cidina la wadaageynin mowjadaha. Nidaamka maanta la soo bandhigay ayaa ka mid ah tallaabooyin kala duwan oo ay Xukuumaddu ku dooneyso in lagu nidaamiyo dhaqaalaha dalka, iyadoo taasina qeyb tahay hal-beegyada ugu waaweyn ee Tubta Dhaqaalaha.

Hay’adda Isgaarsiinta oo adeegsaneysa hannaan la-tashi oo daah-furan ayaa daneeyeyaasha kala duwan u qabatay illaa 5ta December 2019 inay ka soo talo bixiyaan, iyagoo halkan ka heli kara dokomintiyada khuseeya arrintan.

https://nca.gov.so/en/license/

________________________________
Xafiiska Warbaahinta
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

Read More
19 Mar
By: admin 0 0

ITU oo tababarkii ugu horreeyay ku qabatay Soomaaliya 30 sano ka dib

(Muqdisho, Maarso 19, 2019) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa marti-gelisay tababar ku saabsan Barnaamij lagu maamulayo hirarka oo loogu talo-galay dalalka soo koraya (Spectrum Management System for Developing Countries – SMS4DC), kaasi oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU), laguna qabtay magaalada Muqdisho intuu u dhexeysay 14-kii illaa 18kii Maarso 2019.

Axmed Boraud oo ah tababare caalami ah oo ka socday ITU ayaa ugu horreyntii sheegay in ujeeddada tababarkan uu yahay sidii loo dhisi lahaa aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha sidii ay si habsami leh ugu isticmaali lahaayeen barnaamijkan arrimaha maareynta hirarka, isagoo intaasi ku daray in tababarkan uu diiradda saari doono shaqaalaha maamula hirarka noocyada kala duwan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Md C/casiis Duwane Isaaq, ayaa sheegay in ay tahay fursad taariikhi ah in Machadka Isgaarsiinta Qaranku uu martigeliyo tababar ay soo qabanqaabisay ITU, taas oo ah markii ugu horreysay tan iyo burburkii ka dhacay dalka, isagoo xusay in tallaabadani ay dhabbaha u xaari doonto barnaamijyo kale oo ay ITU ka fuliso dalkeena, laguna qabto Machadka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay in tababarkan uu ku soo aaday waqti munaasab ah oo dalkeenu uu si buuxda u ceshtay xubinnimadii Ururka ITU, isla markaana uu yeeshay hay’ad maamusha arrimaha isgaarsiinta oo haatan ku hawlan nidaaminta qeybaha kala duwan.

Maareeyuhu wuxuu intaasi ku daray in tababarkan uu xoogga saaray in xogta ay ururisay Hay’adda Isgaarsiinta loo isticmaalo barnaamijkan, isagoo ku adkeeyay ka-qeybgalayaasha inay dalkooda uga faa’iideeyaan aqoontii ay ka kororsadeen tababarkan.

“Waxaan u mahadcelinayaa ITU, gaar ahaan Xafiis-goboleedka Carabta oo gacan ka geystay sidii barnaamijkan u qabsoomi lahaa. Waxaan rajeyneynaa in ITU ay naga caawin doonto tababarro badan oo noocan oo kale ah si aan u dhisno awoodda farsamo ee shaqaalaheena,” ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay maareeyuhu.

________________________________
Xafiiska Xiriirka Dadweynaha
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

Read More
27 Feb
By: admin 0 0

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Taleefoonnada Gacanta ee Adduunka oo ka furmay magaalada Barcelona ee dalka Spain.
Shirweynahan ayaa loogu talo galay in shirkadaha ganacsiga, hay’adaha isgaarsiinta iyo wasaaradaha, iyo dhammaan inta daneysa arrimaha isgaarsiinta ay isku weydaarsadaan waxyaabaha ku cusub isgaarsiinta iyo teknolojiyada adduunka.

Read More
04 Dec
By: admin 3 0

Hannaanka wada-tashiyada xeer-nidaamiyeyasha isgaarsiinta & teknoolojiyada oo la furay

 

(Muqdisho, 1da Disembar, 2018) Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u daah-furtay hannaanka wada-tashiga xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, iyadoo munaasabaddaasi ay ka soo qeyb galeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Maareeyaha HIQ, Md. Cabdi Sheekh Axmed ayaa sheegay in hannaanka wada-tashiyadu ay yihiin nidaamka ay Hay’addu u mari doonto marka ay soo saareyso xeerar lagu nidaamiyo adeegyada noocyada kala duwan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada, dadweynaha iyo daneeyeyaasha kalena looga dalbanayo inay talooyinkooda ku biiriyaan ka hor intaanan la dhaqan-gelinin.

Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in Hay’addu soo diyaarisay xeer-nidaamiyeyaal iyo dokomintiyo kale oo ay ka mid yihiin Habraaca Sharciyada (Rules of Procedures) oo qeexaya sida loo soo gudbin karo talooyinka la xiriira xeer-nidaamiyeyaasha, Xeer-nidaamiyaha Lambarrada (Numbering Regulation), Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Interconnection Regulation), iyo Ogeysiiska Dadweynaha ee Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Public Notice), Waajibaadka iyo Qaabka ay u ekaaneysoo rukhsadda shirkadaha Isgaarsiinta (License Template – Telecom Company), Jaantuska Qoondeynta Hirarka Qaranka (National Frequency Allocation Table), iyo Tilmaamaha Fasaxa Qalabka electronic ee dalka lagu adeegsanayo (Type Approval Guidelines) oo loogu talo galay in lagu kontoroolo tayada qalabka electroniga ah ee dalka lagu adeegsanayo.

“Waxaan dareensanahay in fekerka hay’ad suuqa nidaamisa (regulator) ay dalkeena ku cusub tahay. Waxaa sidoo kale wax cusub ah in hay’addaas ay soo saarto xeer-nidaamiyeyaal dadweynuhu talo ka dhiiban karaan. Sidaasi darteed, waxaan ka codsaneynaa in daneeyeyaasha oo dhan ay soo gudbiyaan talooyinkooda, qaab waafaqsan Habraaca Sharciyada, mana aha oo kaliya inaan dhageysaneyno shirkadaha isgaarsiinta oo kaliya,” ayuu yiri Maareeyuhu.

Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Md. Cusmaan Guuleed iyo Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka, ayaa labaduba ku bogaadiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka inay billowday dhaqan-gelinta Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo u mareysa xeer-nidaamiyeyaal.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Md. Maxamuud Xayir iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Md. Daahir Maxamuud Geelle, oo sheegay in wasaaradahoodu ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Boostada iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka maadaama ay jiraan dhinacyo badan oo ay iska kaashan doonaan sida canshuuraha iyo maareynta hirarka, sida uu qabo Sharciga Saxaafadda Soomaaliya oo sheegaya in marka Wasaaradda Warfaafintu rukhsadda siiso shirkad warbaahineed in Wasaaradda Boostadu ay siin doonto shirkaddaas hirarkii ay ku shaqeyn lahayd.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo si rasmi ah u furay wada-tashiyadan ayaa ku ammaanay hoggaanka, Guddiga iyo shaqaalaha HIQ sidii ay ugu guuleysteen inay dhisaan hay’ad awood u leh inay gudato waajibka ka saaran nidaaminta suuqa isgaarsiinta.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in isgaarsiinta ay ahmiyad gaar ah u leedahay Xukuumaddan maadaama ay tahay mid saameyn ku leh dhammaan qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha iyo nolosha dalka. Wasiirka oo arrintaas tusaale ka bixinaya ayaa yiri “shirkadaha waxay ka faa’iidayaan in ay ka baxaan fowdadii suuqa ka jirtay; macaamiisha waxay ka faa’iidayaan inay helaan adeeg wanaagsan sida in shirkaduhu isku xirmaan oo hal taleefoon aad kula hadli karto dalka oo dhan, dawladduna waxay ka faa’iidi doontaa in dakhligeedu uu kordho, kaasoo qeyb ka mid ah dib loogu celinayo suuqa si loogu dhiso kaabayaasha isgaarsiinta,” ayuu yiri wasiirku.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee ay saameyn karaan xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada, sida shirkadaha isgaarsiinta dalka oo ay ka mid yihiin: Hormud, SomTel, NationLink, Golis, SomNet, iyo SomLink; Ururka Bankiyada Soomaaliyeed iyo xubnahooda; shirkadaha diiwaangeliya dotSO, shirkadaha telefishinada, ururrada jaamacadaha, iyo wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee xiriirka la leh xeerarkan.

Read More
30 Nov
By: admin 0 0

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta oo Furay Hannaanka Lagu Ballaarinayo Helitaanka .SO

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta la soo gaaray waqti ay SONIC – oo maamusha astaanta internetka ee dalkeena – ay si daah furan u qaadaneyso shirkado gudaha dalka ka shaqeeya oo diiwaangeliya astaanta.

Maareeyaha ayaa sheegay in tan iyo bishii Maarso ee sanadkan ay Hay’addu ku hawlaneyd sidii loo casriyeyn lahaa astaanta oo looga soo guuri lahaa shirkaddii hore ee adeegga farsamo siin jirtay (Cloud Registry), looguna soo guuri lahaa barnaamij ay SONIC 100% maamuleyso, oo dalka gudahiisana ay u yaallan xog-keydiyeyaal (servers), taas oo si kordhin doonta adeegga iyo xawaaraha. SONIC ayaa haatan ku shaqeysa barnaamijka Cocca oo ay adeegsadaan inta badan dalalka ugu horreeya dhinaca astaamaha ee qaaradaha Afrika iyo Aasiya.

Waxaa sidoo kale la dajiyay siyaasadihii lagu dhaqi lahaa maamulka astaanta, kuwaasoo kala qeexaya waajibaadka dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Maareeyuhu wuxuu intaas ku daray in qorshuhu yahay in isbeddelladii lagu sameeyay astaanta ay dhaqan-gali doonaan wixii ka dambeeya bisha Jannaayo 2019, lana sameyn doono bandhig iyo wada-tashiyo lala yeelan doono dhammaan daneeyeyaasha ay khuseyso.

Isbeddellada la filayo inay dhaqan galaan ayaa waxaa ka mid ah in la kordhiyo tirada shirkadaha dalka ku yaalla ee adeeggan bixiya, lana sameeyo qiimo-dhimis si loo sii xoojiyo adeegsiga astaanta ee dadweynaha, shirkadaha, jaamacadaha iyo hay’adaha sama-falka.

“Maanta waxaan soo gaarnay in dotSO ay ku soo wareegtay dalka gudihiisa, lana qaadanayo shirkado Soomaaliyeed oo adeeggaas gaarsiiya magaalo kasta oo ka mid ah dalka, maadaama awal ay aad u koobnaayeen shirkadaha diiwaangeliya ee dalka ka shaqeeya, hase yeeshee lala sugayo in la sameeyo nidaam daah-furan oo lagu qaato kuwa cusub ka dib marka hawlaha farsamadu ay soo dhammaadaan,” ayuu yiri Maareeyuhu.

Read More