Sharciyada

07 Mar
WAAXDA SHARCIGA

Waaxda sharciga ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Waxey masuul ka tahay iney kala taliso maareeyaha guud , ku xigeenka maareeyaha guud iyo xubnaaha gudiga maamulka sare  ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka dhamaan arrimaha la xiriira dhanka sharciga isgaarsiinta  iyo howlaha maamulka heyadda. Gaar ahaan, Waaxda Sharciga waxay si firfircoon uga qaybqaadanaysaa qaybaha kale ee shaqaalaha NCA, qoritaanka ogeysiisyada dadweynaha iyo go’aamada ku saabsan qaababka wadatashiyada dadweynaha, diyaarinta sharciyada jaangooyooyinka, iyo qorista shatiyada iyo dukumentiyada kale ee sharciga NCA. Waaxda Sharciga ayaa sidoo kale mas’uul ka ah matalaadda NCA ka hor maxkamadaha iyo arrimaha kale ee dacwaddaha la xariira. Waaxda  Sharciga ee NCA waxay u heellan tahay inay ku shaqayso sharaf aad u sarreeya iyo xirfad-yaqaannimo iyo inay bixiso adeeg sharci ah macaamiisheeda gudaha ah iyo dadka soomaaliyeed.