Hordhac

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) waa hay’ad sharciyadeed waaxda isgaarsiinta ee Soomaaliya.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka  waxaa lagu dhisay Xeerka Isgaarsiinta ee 2017, waajibaadkeedu waa xakameynta waaxda isgaarsiinta oo ay ka Midyihiin isgaarsiinta, internetka, Warbaahinta, Xogta iyo waliba isgaarsiinta casriga, postada, iyowalibaadeegadhaqaalaha.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranku waxay mas’uul ka tahay fududeynta iyo horumarinta qaybta ICT, taasoo awood u siinaysa inay hubiso tartan caddaalad ah oo waara, isdhexgalka , daahfurnaanta ,fulinta  Xeerka Isgaarsiinta, ilaalinta danaha macaamiisha iyo xuquuqdoda, iyo sii wadida kaalintooda sida xakameyn madaxbannaan.

Mabaadi’da Asaasiga Ah

  • Madax-banaanni.
  • Hufnaan.
  • Isla-xisaabtan.
  • Daadacnimo.
  • Kalsoonni.
  • Cadaalad.
  • Wada-shaqeyn.

Aragtida

In la abuuro suuqyo tartan oo hubiya helitaanka adeegyo badan oo ICT ah oo qiimo macquul ah, oo fududeeya helitaanka adeegyada dadweynaha, kor u qaadida horumarinta waxbarashada iyo bulshada, iyada oo fududeynaysa isku-xirnaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaalida iyo adduunka intiisa kale.

Howgalka

Hayaddu waxey ku howl galleysaa geeddi-socod hufan oo kor u qaadaya tartan caddaaladdeed joogto ah taasoo keenneysa hal-abuur dhiiri-geliya maalgashiga isla markaana ilaaliya danaha macaamiisha iyo maal-gashatadaba.